Maxkamadda Oslo ayaa isbuucan go aamisay in 39 sano jir ah oo u dhashay dalka Afgaanistaan laga qaado dhalashada ama jinsiyada Norway, sababo la xiriira inuu xiriir la leeyahay urur argagaxiso, uuna qatar amni ku yahay danaha amniga qaranka Norway. Kiiskan ayaana noqonayo kiiskii ugu horeeyay ee qof looga qaado dhalashada Norway, sababo la xiriira qatar amni ama xiriir uu la leeyahay urur argagaxiso.
Ninkan oo Norway yimid sanadkii 2010, ayaa sanadkii 2017 qaatay jinsiyada ama dhalashada Norway. Waxa uuna hada ku suganyahay dalka Afgaanistaan. Dowlada Norway ayaana ninkan ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay ururka ISKP ee ka dagaalama gobolka Khuraasaan ee dalka Afgaanistaan, kana tirsan kooxda Daacish.
Sadex kamid walaalaha la dhashay ninkan ayaa la sheegay inay ku dhinteen howlgal ay kooxda Taalibaan ku qaaday kooxdan daacishka ah. Iyada oo maxkamada laga horsheegay in mid kamid ah walaalaha ninkan uu ahaa sarkaal sarre ama amiir katirsan kooxda ISKP.
Go aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in ninkan uu howgal weerar argagaxiso uu ka fulin karo gudaha Norway, sidaas darteedna uu halis amni ku noqon karo Norway. Maxkamadda ayaa sidoo kale cuskutay in ninkan uu heysto dhalashada dalka Afgaanistaan, sidaas darteed aysan dhibaato ku ahaan doonin inuu lumiyo dhalashada Norway.
Gabadhiisa iyo guur qasab ah:
Ninkan ayaa sida galdacweedka maxkamadda laga ogaaday Norway ku yimid qaab dacwo qoys ah, waxaana u dacwootay xaaskiisii hore oo aheyd ina adeertii oo ay hal gabar ah wada dhaleen. Ninkan ayaa mar kale guursaday xaas kale oo u heyso 2 caruur ah.
Waxyaabaha intii ay maxkamadu socotay kiiskan loo cuskuday waxaa kamid ah, in gabadhiisa uu u diiday in gabadhiisa ay ka qeybqaato isku imaatinka bulsheed ee ka baxan iskuulka, iyo in sanadkii 2022 ay barnevern-ku heleen fariin wel-wel leh oo sheegeyso in ninkaas uu rabo inuu qasab ugu guuriyo gabadhiisa.
Kiiska iyo xukunka ninkan ayaa noqon doono kiiskii ugu horeeyay ee qof heysta dhalashada Norway, looga celiyo sabab la xiriirta qatar amni. Wuxuuna noqon karaa kiis tixraac u noqon karo kiisas kale oo noocan ah oo mustaqbalka imaan doono.