Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku farxeen Soomaalida sharci la’aanta ku ah dalkaasi, kuwaas oo cabsi ka qaba in uu saameeyo go’aanka Trump ee masaafurinta muhaajiriinta.
Gabadhan oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa kulan gaar ah la yeelatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida sharci darrada ah ku galay dalkaasi, waxayna kula talisay in aysan ka cabsan Laanta Socdaalka iyo Canshuuraha, xilli ay haatan hay’adaha dowladda Mareykanka sii wadaan ka hortagga socdaalka sharci darrada ah ee dalkaasi.
Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in aysan qasab ahayn in ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiinayo, iyadoo usoo jeedisay in ay kaliya sheegaan in qareenkooda uu kula taliyay in aysan wax jawaab ah ka bixin sida ay ku yimaadeen Mareykanka iyo socdaalkooda.
“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed in haddii ICE ay isku daydo inay su’aalo idin weydiiso, waajib kuguma aha inaad ka jawaabto su’aalahooda,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Sidoo kale, waxay sii raacisay: “Kaliya sheeg in uu qareen kugula taliyay inaadan ka jawaabin su’aalaha. Shaacinta magacaaga, sharcigaaga socdaalka, iyo qaabka aad ku soo gashay ma ahan mid khasab ah. Barta sharciyada oo isdiyaariya.”
Dhinaca kale, duqa Minneapolis Jacob Frey ayaa dhankiisa bogaadiyay arrintan, wuxuuna u ballan qaaday dadka sharci darrada ah ku jooga magaaladiisa inay garab istaagayaan, ayna sameyn doonaan wax kasta oo awooddooda ah si ay u caawiyaan muhaajiriinta.
“Xeerka kala-soocidda ayaa si cad u qeexaya in mas’uuliyiinta magaalada, saraakiisha booliiska iyo kuwa kale, aysan ururin karin macluumaadka muujinaya cidda jirta iyo cidda aan la diiwaangelin,” ayuu yiri Duqa magaalada Minneapolis.
Waxaa kale oo uu yiri: “Saraakiishayada booliisku lama shaqeyn doonaan sharci-fulinta federaalka ee ku xeeran sharciga socdaalka federaalka. Waxaan ku xoojinaynaa sharciyada gobolka iyo kuwa maxalliga ah halkan Minneapolis, waxaana sameyn doonaa sida ugu wanaagsan ee aan awoodno.”
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay haatan walaac xooggan iyo cabsi soo wajahday Soomaalida Mareykanka, gaar ahaan kuwa sharci darrada ah ku galay dalkaasi, kuwaas oo laga yaabo in uu saameeyo go’aanka uu qaatay Donald Trump ee lagu soo celinayo muhaajiriinta.