mandag, februar 24, 2025

Daraasad: Caruurta badan waxa ay ka hor-tagaan «Asaasaqa» Maskaxda waalidka.

Daraasad uu sameeyay machadka caafimaadka dadweynaha Norway ee FHI ayaa lagu sheegay in Dadka dhalay laba ama saddex carruur ah ay fursad ahaan 30% ka badbaadi karaan qaaditaanka xanuunka asaasaqa maskaxda (dementia), marka lala barbardhig dadka aan carruur lahayn, kuwa hal cunug leh, ama kuwa leh in ka badan afar carruur ah

Sida cilmi-baaristu muujinayso, dadka aan carruurta lahayn ama leh hal cunug oo keliya ayaa leh khatar 30 boqolkiiba ka badan inay qaadi karaan cudurka asaasaqa maskaxda.

Cilmibaarista ayaa muujineyso in la joogitaanka bulsheed ee caruurta, ay xoojiso maskaxda.

«Cilmi-baaristayadu waxay tilmaamaysaa in tirada carruurta uu qof leeyahay ay la xiriiri karto khatarta inuu qofku qaado cudurka asaasaqa maskaxda markuu weynaado,» ayuu yiri qoraaga ugu weyn cilmi-baaristan, oo ah cilmi-baadhe sare (postdoktor) Teferi Mekonnen oo ka tirsan Machadka Caafimaadka Dadweynaha.

Cilmi-baarayaashu waxay carabka ku adkeeyeen in tani tahay cilmi-baaris indho-indhayn ah, welina aysan si cad u ogayn waxa sababay xiriirka ka dhexeeya tirada carruurta iyo cudurka asaasaqa maskaxda ee ay inta baadaan dadka da’da weyn.

Cilmi-baaristan ayaa lagu falanqeeyay xog laga soo uruuriyay ku dhawaad 10,000 qof oo da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka weyn, kuwaas oo ka qaybqaatay daraasadda caafimaad ee HUNT ee laga sameeyay Norway.

Xigasho/kilde: Ny studie knytter antall barn til risiko for demens

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x