Sida ay xaqiijiyeen xafiiska bixinta baasabooradda booliska, 432.000 qof ayaa baasabooradda iyo kaararka aqoonsiga Norwiijiga ah ay ka dhacayaan sanadkan 2025. Booliska ayaa dadkan ugu baaqayo inay xili oo sanadka ah ay balan qabsadaan oo ay baasaboorka cusbooneysiistaan, intii al sugi lahaayeen xiliga xagaaga oo culeys badan uu soo fuulo xafiisyada bixinta baasabooradda.
395.000 qof oo dadkaas kamid ah, waxaa ka dhacayo baasaboorka, halka sidoo kale 37.000 oo qof ay sanadkan ka dhacayaan kaararka aqoonsiga.
Booliska ayaa dadka ay baasabooradda ka dhacayaan fariin SMS ah usoo diri doono 6 bilood kahor inta uusan baasaboorku dhicin, waxeyna mar kale fariin cusub oo xusuusin ah usoo diri doonaan 3 bilood kahor inta uusan baasaboorku dhicin. Laakiin masuuliyadda cusbooneysiinta baasaboorka, waxa ay saarantahay qofka uu baasaboorku ka dhacayo, sida ay boolisku sheegeen.
Caadi ahaan qiyaastii hal isbuuc ayay qaadataa in qofka baasaboorka codsaday uu boostada guriga loogu soo diri, laakiin waxaa iyadana suurtogal ah in qofku uu baasaboorka ka qaato xarunta booliska ee uu ka dalbaday.