Wadayaasha gaadiidka Norway ayaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2024 bixiyay lacag gaareyso 346 milyan oo kr, kadib markii ay qabteen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Norway ee ganaaxa wadayaasha baabuuurta ku wada xawaare ka sareeya inta sharcigu ogolyahay.
Wadooyinka Norway waxaa kuyaal ama ku xiran 408 kaamiro oo cabira xawaaraha baabuurta, waxaana la qorsheynayaa in tiro cusub oo kaamirooyin ah sanadkan 2025 lagu xiro jidadka Norway.
Sanadkii lasoo dhaafay, 83 408 qof ayay kaamirada ganaaxu qabatay sanadkii lasoo dhaafay, taas oo ka dhigan in isku cel-celis ay maalintiiba kaamiradu ganaax siineysay 230 qof.
Meelaha dadka ugu badan lagu ganaaxay ee kaamiradu ay ku qabatay ayaa waxaa kamid ah Tuuneelka Opera ee Oslo(Operatunnelen). Tuuneelka Vålerengtunnelen, Tuuneelka Lørentunnelen Tuuneelka.
Marka laga tago dadka la ganaaxay dadka la ganaaxay, 463 qof oo leysinka baabuur wadista ku waayay sabab la xiriirta xawaaraha ay baabuurka ku wadeen ee kaamiradu ay qabatay.