Wiil 16 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi hal(1) sano iyo shan(5) bilood ah kadib markii lagu helay danbi ah inuu mindi ku dhaawacay wiil kale oo labaatan jir ah sanadkii hore ee la soo dhaafay. Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Grønland ee magaalada Oslo. 16-jirkaan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo magdhow gaareyo 83,000 kroner oo uu siiyo dhibanaha.
16-jirkan ayaa lagu eedeeyay danbi la xiriira dhaawac jireed oo daran iyo isku dey dil. Maxamadda ayaa sheegtay in hadii uu wiilkan jiri lahaa da da 18-ka sano lagu xukumi lahaa 7 san0, laakiin maadaama uu 15 sano jir ahaa marka uu falkan dhacayay, ay maxkamadu u sameysay xukun fududeyn la xiriirta da’da.
16-jirka eedeeysanaha ah ayaa sidoo kale hore xukun ugu dhacay, kadib dhibaato kale oo ka geestay xaafadda Grønland ee magaalada Oslo, xagaagii 2024. Qareenka 16-jirka ayaa sheegay in eedeesanihiisu uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda ee ah in lagu xukumay isku dayga dilka.