torsdag, januar 30, 2025

Xisbiga Sp oo dowlada isaga baxay, iyo Ap oo xukunka loo cidleeyay.

Xisbiga Senterpartiet(Sp) ayaa go aansaday inay isaga baxaan xukuumadda ay bah-wadaagta kula ahaayeen xisbiga Ap oo sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay dalka Norway wada maamulayeen. Waxaa sidaas wargeyska VG u xaqiijiyay gudoomiyaha xisbiga Sp, Trygve Slagsvold.

Arrintaas ayaa ka dhigan in dhamaan jagooyinkii wasiirnimo, wasiir ku xigeen iyo jagooyinka kale ee siyaasadeed ee xisbiga Sp ay ka hayeen xukuumadda uu reysulwasaaraha ka yahay Jonas Gahr Støre ay hada xilalka ka dagayaan.

Khilaafka labaddan xisbi ee awooda ku bahoomay oo soo taagnaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay, ayaa ugu danbeyn kusoo dhamaaday inay xukuumadda faaruqijiyaan xisbiga Sp, waxaana hada kursiga xukunka loo cidleeyay xisbiga shaqaalaha ee Ap, iyada oo doorashada ay ka dhimantahay wax ka yar 8 bilood.

Ubucda khilaafka labadda xisbi ayaa ku saabsan siyaasadda korontadda iyo tamarta, taas oo xisbiyadu ay aragtiyo kala duwan ka qabaan. Xisbiga Ap ayaa raba inay Norway qeyb ka noqoto siyaasadda Guud ee dalalka EU-da ee korontadda, halka xisbiga Sp uu raba in Norway aysan qeyb ka noqon, arrintaas oo xisbiyadu ay isku maandhaafeen.

In xisbiga Sp uu baneeyay xukunka ayaa ka dhigan in awooda xukuumadda ay hada u kaliyoobeen xisbiga shaqaalaha ee Ap, 8-da bilood ee ka dhiman doorashada.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x