Laga bilaabo labadda(2) bisha April ee sanadkan 2025, dadka heysta dhalashada Norway ee raba inay u safraan U.K, ayaa waxaa ku waajib inay qaataan Viso(dal ku gal) elektoroonig ah kahor inta aysan U.K u safrin. Visaha ayay qofka waajib ku tahay inuu dalbado, uuna helo kahor inta uu u safrin UK, hadii kale waxaa laga soo celin doonaa xuduudka sida ku xusan boga laamaha socdaalka U.K
10 Pound iyo 3 maalin kahor:
Visaha ama dal ku galka laga rabo dadka Norwiijiga ah ee u safraya UK ayaa waxaa waajib ah inuu qofku codsado 3 maalin kahor inta uusan u safrin U.K, waxa qiimaheedu uu yahay 10 Pound oo lacagta U.K ah( qiyaastii 140 kr). Visahan ayaa hadii uu qofku helo waxa ay shaqeyneysaa mudo 2 sano ah.
Helitaanka Visahan ayaa qaadan karo ilaa 3 maalmood oo shaqo, sidaas darteed ayay muhiim tahay in qofka U.K u socdaalayo uu codsado ugu yaraan sadex maalin oo shaqo kahor inta uusan safrin. Waxaa sidoo kale waajib ah in qofku uu wato baasaboor aan dhacsaneyn mudadda uu U.K joogo.
Halkan ayaad ka codsan kartaa Visaha U.K, marka la gaaro bisha April:
Sida ugu fudud waa inaad ka codsato App-ka rasmiga ee hey adda socdaalka U.K:
Dadka isticmalaala Iphone: https://www.gov.uk/guidance/apply-for-an-electronic-travel-authorisation-eta
Dadka isticmaala Android: https://play.google.com/store/apps/details?id=uk.gov.HomeOffice.ho3&pli=1