Milkiilaha taajirka ah ee iska leh shirkadaha Tesla iyo X( Twitter), Elon Musk ayaa sanadihii ugu danbeeyay awood xoogan ku dhex yeeshay siyaasadda dalkiisa Mareykanka, kadib markii uu iibsaday barta Twitter oo ah madasha ugu weyn ee fikradaha siyaasadeed la isugu gudbiyo caalamka iyo gudaha USA-ba. Wuxuuna door muuqdo oo udub-dhexaad ah ka qaatay dib-u-doorashadii madaxweynaha dhawaan talada USA la wareegi doono ee Donald Trump.
Elon oo ku caan ah inuusan la gaban fikirkiisa ayaa aaminsan waxa uu ugu yeeray xoriyada hadalka ee aan xadidneyn. Wuxuuna bartiisa twitterka ay sahashay inay fariimahooda ku gudbiyaan siyaasiyiinta midigta fog iyo kooxaha aaminsan fikradaha xagjirka ah, kuwaas oo awal caburin kala kulmi jiray baraha bulshada iyo waliba warbaahinta. Arrintaas oo Elon ka dhigtay qof taageero xoogan ku heysto bulshada xagjirka midigta fog ah.
Germany, Norway iyo UK:
Kadib dib u doorashadii Donald Trump oo Elon Musk door xoogan ka qaatay, Milkiilaha twitter ayaa hada bilaabay inuu ku milmo, aragtiyana ka dhiibto siyaasadda dalalka UK iyo Germany. Arrintaas aytaa abuurtay walaac cusub oo ah in Twitterka uu mar kale go aamin kara ama saameyn muuqato ku yeelan karo doorashada iyo aragtiyada siyaasiyga ah ee bulshada kunool dalalkaas.
Dalka Norway waxaa sanadkan ka dhaceyso doorashada baarlamaanka, waxaana hada sii xoogeysanayo olalaha tartanka xisbiyada ee ku aadan u diyaargarowga doorashada. Waxaana saadaasha hordhaca ah ay sheegeysaa inay sii xoogeysaneyso taageerada xisbiyada garabka fog.
Reysulwasaaraha Norway, Jonas Gahr Større ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay uuna dhaleeceynayo ku dhex milanka uu Milkiilaha Twitter ku dhex milmayo siyaasadda dal saaxiib la ah mareykanka. Arrintaas oo uu sheegay inay tahay mid wel-welkeeda leh. Wuxuuna sii raaciyay inay caadi aheyn in dalalka saaxiibka ah isku faro-galiyaan siyaasadahooda gudaha.
Reysulwasaaraha Norway ayaa si gaar ah u sheegay in Elon oo leh awood dhaqaale oo xoogan, heystana madal ay ku xiranyihiin boqolaal malyan qof ay tahay wax walaac wadato oo u ahaan in laga digtoonaado.