Degmadda Oslo ayaa qaban-qaabineyso bilaabista khadad tareenka dhulka hoostiisa mara(T-bane) oo habeenkii shaqeeya. Waxaana mashruucan si tijaabo ah loogu bilaabi doonaa Khadadka 2-aad iyo 3-aad ee t-banadda Oslo, bilaha November iyo Desember ee sanadka 2025.
Tijaabaddan oo socon doonto mudoo 6 isbuuc ah ayaa marka ay dhamaato, waxaa lagu sameyn doonaa dib u qiimeyn, iyada oo markaas kadib go aan laga gaari doono in Oslo ay yeelato T-bane joogto oo habeenkii shaqeeyo.
Xisbiga Frp oo arrintan mudo u dagaalamayay ayaa maanta muujiyay farxad, iyo inay ugu danbeyn ku guuleysteen in Oslo ay yeelatio T-bane habeenkii shaqeeya.
Labadda T-bane ee tijaabadda ay ahaa soo mari doono 30-kii daqiiqaba hal mar, waxa ay mari doonaan maxadooyinkan:
Khadka 2.aad, maxadooyinkan ayuu mari doonaa:
- Østerås
- Lijordet
- Eiksmarka
- Ekraveien
- Røa
- Hovseter
- Holmen
- Makrellbekken
- Smestad
- Borgen
- Majorstuen
- Nationaltheatret
- Stortinget
- Jernbanetorget
- Grønland
- Tøyen
- Ensjø
- Helsfyr
- Brynseng
- Hellerud
- Tveita
- Haugerud
- Trosterud
- Lindeberg
- Furuset
- Ellingsrudåsen
Khadka 3.aad, maxadooyinkan ayuu mari doonaa:
- Kolsås
- Hauger
- Gjettum
- Avløs
- Haslum
- Gjønnes
- Bekkestua
- Ringstabekk
- Jar
- Bjørnsletta
- Åsjordet
- Ullernåsen
- Montebello
- Smestad
- Borgen
- Majorstuen
- Nationaltheatret
- Stortinget
- Jernbanetorget
- Grønland
- Tøyen
- Ensjø
- Helsfyr
- Brynseng
- Hellerud
- Godlia
- Skøyenåsen
- Oppsal
- Ulsrud
- Bøler
- Bogerud
- Skullerud
- Mortensrud