fredag, januar 17, 2025

Norway oo sii adkeysay dacwada isku imaanshaha qoysaska.

Wasiiradda arrimaha gudaha Norway Emilie Enger Mehl (Sp) ayaa sheegtay in dowlada Norway ay sii adkeyneyso shuruudaha dhaqaale ee lagu xiro dadka raba inay dibadda ka keensadaan(u dacwoodaan) xubin qoyskooda kamid ah. Waxaana qofka raba inuu u dacwoodo qoyskiisa waajib ku ah in sanadkii uu shaqeeyo dakhli gaarayo 400.000 kr, halka uu shardigaas dhaqaale markii hore ahaan jiray 335.000 kr.

Shardigan cusub ee dhaqaale ayaa ka bilaaban doono kowda(1) bisha soo socoto ee Febraayo. Wuxuuna shardigan cusub isku u qabanayaa dadka ajaaniibta ah ee qoysaskooda dibadda uga dacwooda iyo waliba dadka Norwiijiga ah ee dibadda kusoo guursada, kadibna lamaanahooda raba inay Norway keenaan.

Sababta ay dowladu arrintan u sameysay ayaa lagu sheegay inay tahay in la yareeyo tirada dadka imaanayo Norway, kuna imaanayo qaabka dacwooyinka qoysaska ah.

Waxaan wajaheynaa dhibaato weyn oo dhanka qaxootiga ah, waxaana dalka soo galay dad badan oo ka yimid Ukraine. Taasi waxay culays weyn ku saareysaa nidaamka qaabilaadda ee degmooyinka. Waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in la yareeyo cadaadiska saaran degmooyinka, iskuullada, adeegyada caafimaadka iyo kuwa kale, ayey Mehl u sheegtay NTB.

Waa in qofku uu damaanad qaadi karaa qofka uu keenayo:

Dowlada ayaa sheegtay in qofka raba in loo keeno qof qoyskiisa ah, ay waajib ku tahay inuu dhaqaale ahaan kafaalad qaadi karo masaariifta dhaqaale ee qofkaas, uusana sugin in dowladu ay culeyska dhaqaale kala wareegto marka uu qofku dalka imaado. Waxeyna dowladu sii adkeysay shuruudaas, iyada oo ku dartay inay muhiim tahay in qofku uu cadeyn karo in dakhliga soo galay sanadkii hore ee 400.000 kr, uu usii socon doono ugu yaraan sanad.

Dakhliga ay dowladus ku xirto qofka kuma jiraan lacagaha ceyrta, Dagpengerka, kaalmada kirada guryaha(Bostøtte) ama kaalmooyinka kale ee qofka ay dowladu ku kabto dhaqaale ahaan.

Xigasho/kilde: Justisminister Mehl vil bremse familiegjenforening

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x