fredag, januar 24, 2025

Norway: Ethiopia waa inay qaabishaa qoxootigeeda sharci darada ku jooga dalkeena.

Wasiiradda arrimaha gudaha Norway Emilie Enger Mehl oo safar shaqo ku joogto dalka Ethiopia, ayaa sheegtay inay dowlada Ethiopia kala hadashay xoojinta wada shaqeynta la xiriirta inay Ethiopia ay ay qaabisho qoxootiga dalkaas u dhashay ee qaabka sharcidarada ah ku joogo Norway.

Emilie ayaa wadahadalo arrintan ku saabsan la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Gedion Timothewos Hessebon oo sidoo kale qaabilsan arrimaha socdaalka.

Dowlada Norway iyo dalalka kale ee EU-da ayaa sanadkii 2024 Ehtiopia kusoo rogay xayiraad iyo shuruudo adag oo ku saabsan Visaha la siiyo muwaadiniinta u dhashay dalkaas, kadib markii dowlada Ethiopia lagu eedeeyay inaysan dowladaha Yurub si wanaagsan ugala shaqeyn qaabilaada qoxootiga diidmada heysta ee dalalka Yurub qaabka sharci darada ah ugu nool.

Wasiiradda arrimaha dibadda Norway ayaa kulanka kadib sheegtay:

Ethiopia waxa ay dhawaan qaabishay muwaadiniin dalkeeda u dhashay oo qaab sharci daro ah sanado badan ku joogay Norway. Intooda badan waxa ay ku noolaayeen xeryaha qoxootiga, in dib u celinta la dhaqangaliyana waxa ay bulshada u tahay faaiido. Waxa aana wasiirka arrimaha dibadda (Ethiopia) uga mahadcelinayaa arrintan, aniga oo hordhigay rabitaankeena inaan hawshan u sameyno habraac dardargalinayo, laguna xoojinayo arrintan.

Dowlada Ethiopia ayaa dhawaan Norway usoo dirtay saraakiil ka socdo laamaha socdaalka dalkaas, kuwaas oo xaqiijinayo aqoonsiga dadka Ethiopia u dhashay oo ay Norway rabto inay tarxiisho. Arrintaas oo ay dowlada Norway sheegtay inay uga mahadcelineyso arrintaas.

Dowlada Norway ayaa marar badan ku cel-celisay in dowlad walba oo caalamka ah ay ka dalbaneyso inay qaabisho muwaadiniinta dalkeeda u dhashay ee qaabka sharci darada ah ku joogo Norway.

Xigasho/kilde: Mehl i Etiopia: Alle som oppholder seg ulovlig i Norge, må returnere til sitt hjemland

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x