torsdag, januar 30, 2025

Ninkii quraanka gubay oo xalay la dilay isaga oo «Tiktok live» ku jiro

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Sweden, waxaa xalay fiidkii toogasho lagu dilay Salwan Momika oo ah nin u dhashay dalka Ciraaq oo caan ku noqday gubitaanka kitaabka quraanka kariimka ah. Falka dilka ah ayaa ka dhacay degmadda Södertälje ee dalka Sweden.

Salwan ayaa xiliga toogashada lagu dilayay ku jiray tabin toos ah oo barta tiktok ah, sida ay warbaahinta dalka Sweden qoreyso. Waxaana baraha bulshada la wareejinayaa muuqaalo muujinayo qeybta ah dhacadda toogashada tooska ah ee ninkan lagu dilay.

Booliska dalka Sweden ayaa soo qabtay 5 qof oo lala xiriirnayo dhacdadan dilka ah. Waxa ay booliska Sweden sheegeen inay tahay xili hore oo aan faah-faahin badan laga bixin karin dhacdadan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x