lørdag, januar 4, 2025

Nin Suudaani ah oo ku dhex dhuuntay diyaarad Oslo ka duuli rabtay.

Sida ay qorayaan warbaahinta maxaliga ah, nin u dhashay dalka Suudaan oo qoxooti magangalyo doon ah ayaa saaka laga soo dhex qabtay diyaarad ka duuli rabtay garoonka diyaaraddaha Oslo ee Gardermoen. Ninkan ayaa ku dhex dhuuntay safka rakaabka, wuxuuna tigid iyo ogolaansho la aan galay diyaaradda Air-France oo u socotay magaaadda Paris ee dalka Faransiiska.

Ninkan ayaa waxaa la ogaaday kahor inta aysan diyaaradu kicin oo ay ku socoto Run-wayka(dhabaha duulitaanka), waxeyna diyaaradu ku qasbanaatay inay kusoo noqdo Gate-kii ay ka tagtay daqiiqado kahor. Waxaana ninkan la wareegay booliska.

Waxaa dhanka kale la xaqiijiyay in ninkan saaka aroortii hore loo diiday inuu raaco diyaarad u socotay dalka Giriiga, maadaama uusan heysan Visaha dal ku galka dalkaas.

Booliska Norway, qeybta arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga, ayaana la wareegay kiiska ninkan.

Xigasho/kilde: Mann snek seg om bord på et Air France fly på Gardermoen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x