Booliska dalkan Norway, qeybtooda qaabilsan arrimaha ayaa sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2024 ay Norway ka tarxiileen 2458 qof oo ajaaniib ah. 236 oo dadkan ka tirsan ayaa ah dad diidmo ka helay codsiga magangalyada ee Norway.
737 qof ama 30% Dadka la tarxiilay ayaa ah dad danbiyo kala duwan ka geystay Norway oo la tarxiilay. Waxaa dadkaas u badan dadka kasoo jeedo Polen iyo Romania.
Dadka ugu badan ee dhanka kale la tarxiilay Norway ayaa kasoo jeedo dalalkan: Ukraine(326 qof), Ruushka(176), Romania(136), Siiriya(135), UK(83), Lituen(77), Colombia(76), Polen(73), Shiinaha(69) iyo Turkiga (66).