Arbacadda soo socoto ee taariikhdu ay noqon doonto 8-da bishan January, saacadda 12-ka duhurnimo, laamaha amaanka iyo ilaalinta badqabka dadweynaha ayaa tijaabin doono nidaamka digniinta dadweynaha ee xaaladdaha degdega ah, waxaa mobilka qof walba oo Norway kunool kusoo dhici doonto fariin gariir iyo cod dhawaaq leh isugu jirto.
Tijaabaddan ayaa qeyb ah la socodka hab-sami u shaqeynta adeega digniinta dadweynaha ee qaran, kaas oo markii mudo la joogaba mar la tijaabin doono haabka uu u shaqeeyo. Waxaana nidaamka loogu talagalay in dadweynaha loogu digo, ama fariimaha muhiimka ah loogu gudbiyo, hadii ay jirto xaalad deg deg ah.
Marka laga tago telefoonadda, waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad maqasho dhawaqa hoon weyn oo la yeeriyo.
Laamama dowlada ayaa kaa codsanayo inaad fariintan usii gudbiso cidii kale ee aad taqaanid.