Sida ay noo xaqiijiyeen saaxiibadiisa ugu dhow, waxaa Allah ha u naxariistee maalintii shaley aheyd magaaladda Sarsborg ku geeriyooday Mahad Abukar Osman oo ahaa siyaasi dhalinyaro ah oo si weyn uga dhex muuqday bulshada Soomaaliyeed ee Norway.
Mahad oo horey usoo noqday xildhibaan katirsan golaha deegaanka, ayaa sidoo kale ahaa gudoomiyaha urur ka shaqeeyo arrimaha taageerida iyo u qareemimidda bulshada Soomaaliyeed ee kunool Norway, gaar ahaan deegaankaas uu ku noolaa.
Geerida Mahad oo ah mid kadis aheyd, ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa baraha bulshada iyo goobaha ay soomaalidu ku kulmaan ee Norway.