mandag, januar 6, 2025

Xisbiga FRP oo markii ugu horeysay ka taageero batay xisbiga shaqaalaha(Ap).

Xog uruurino kala duwan oo laga sameeyay dadweynaha Norway ayaa muujinayo in xisbiga talada dalka haya ee shaqaalaha(Ap) uu lumiyay in badan oo kamid ah taageeradii dadweynaha ee xisbiga. Dhanka kale xisbiga FRP ayaa xog uruurin la sameeyay sheegeysaa inuu noqday xisbiga ugu weyn dalka, isaga oo ka hormaray xisbiyada Ap iyo Høyre.

Xisbiga Frp ayaa xog uruurino la sameeyay bilihii ugu danbeeyay, waxa ay muujineysaa inuu noqonayo xisbiga koowaad ama labaad ee ugu weyn ee dalka. Arrintaas ayaa sii xoogeysatay kadib guushuu dib usoo noqoshada madaxweynaha dalka Mareykanka ee la doortay Donald Trump.

Reysulwasaare Støre: Arrintani ma ahan mid qurux badan.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, ahna gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa sheegay in taageerada hoos u dhacday ee xisbiga ay tahay arrintaan aan qurux badneyn. Balse wuxuu sheegay inuu isaga ka gudoomiye ahaan qaadanayo masuuliyadda arrintaas, isaga oo raaciyay in caadi ay tahay in marka uu xisbi ku fadhiyo xukunka uu lumiyo taageerada dadweynaha.

Xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa sanadihii ugu danbeeyay hareeyay qilaafaad kala duwan oo hogaanka xisbiga ah, iyo fadeexooyin kala duwan oo kusoo baxay qaar kamid ah wasiiradda iyo madaxda sarre ee xisbiga.

Xigasho/kilde: Ny sjokkmåling for Arbeiderpartiet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x