fredag, januar 24, 2025

UDI-da oo joojineyso ka shaqeynta codsiyada qoxootiga Siiriya.

Hey adda arrimaha qoxootiga iyo soo galootiga u qaabilsan dowlada Norway ee UDI-da ayaa sheegtay inay si kumeel gaar ah u hakin doono ka shaqeynta codsiyada qoxootinimo ee dadka ka yimid dalka Siiriya. Sababta arrintan ayaa lagu macneeyay dhacdooyinka maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay dalka Siiriya.

In la hakiyo ka shaqeynta codsiyada qoxootinimo iyo magangalyo ee dadka kasoo jeedo Siiriya, ayaa ka dhigan in ilaa amar danbe ayaa la shaqeyn doonin codsiyadooda, aysana heli doonin diidmo magangalyo ama magangalyo midna, ilaa amar danbe. Qoxootiga u dhashay wadankaas ee wareysi-sugeyaasha ah, ayaa sidoo kale lagu wargaliyay inaan loogu yeeri doonin wareysiyada magangalyada, ilaa amar danbe.

Go aanka ayaa dhaqangalkiisu waxa uu bilowday maanta oo Isniinta ah, 9-ka bisha Desember, waxa uuna socon doonaa ilaa laga helayo amar kale oo buriya ama badala.

 Norway ayaa ku biireyso dalal dhowr ah oo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Siiriya ka dhacay awgood u joojiyay ka shaqeynta codsiyada dadka ka imaanayo dalka Siiriya.

Xigasho/kilde: UDI setter behandlingen av syriske asylsøknader på vent

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x