Laga bilaabo kowda bisha janaury ee sanadka cusub ee 2025, waxaa dhaqangali doono xeer cusub oo fududeynayo in dad badan ay soo galaan suuqa iibsiga guryaha. Xeerkan cusub ayaa lagu dhimay lacagta horumariska ah ee waajibka ay tahay inuu qofku heysto marka uu qaadanayo deyn uu guri ku iibsanayo.
Hadii aad hada u tagto banki kamid ah bangiyada Norway, aadna weydiisato deyn aad guri ku iibsaneyso, waxaa waajib ah inaad heysato oo horumaris ahaan u bixin karto 15% qiimaha guud ee guriga aad iibsaneyso. Taas oo aheyd sharci iyo xeer ay dowladu dajisay.
Balse markii ay adkaatay soo galitaanka suuqa iibsiga guryaha, arrintaasna ay mudo ka taagneyd dood xoogan, dowlada ayaa hada fududeysay shardigaas, waxeyna ka dhigtay in qofka iibsanayo guri, ay waajib ku tahay oo kali ah inuu heysto 10% qiimaha guud ee guriga ee uu rabo inuu bankiga ka qaato.
Tusaale ahaan, hadii aad iibsaneyso guri uu qiimihiisu yahay 3 milyan oo kr, oo aad bangiga weydiisato deyn aad gurigaas ku bixisid, waxaa kugu waajib ah inaad heysato 300.000(3 boqol) oo kr oo u dhiganta 10% qiimaha guriga. Halka markii hore ay waajib kugu aheyd inaad heysato 450.000 kr oo u dhiginta 15% qiimaha guriga ee sadexda milyan ah.
Xeerkan cusub ayaa dhaqangali doono kowda bisha January ee sanadka cusub ee 2025.
Xigasho/kilde: Utlånsforskriften: Senker kravet til egenkapital for boliglån