onsdag, desember 4, 2024

Oslo: 5 dhalinyaro ah oo loo qabtay fal mindiyeyn ah oo Mortensrud ka dhacay.

Booliska magaaladda Oslo ayaa howlgal ay qaadeen kusoo qabtay shan wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo inay lug ku lahaayeen fal danbiyeed qof lagu dhaawacay oo ka dhacay xaafadda Mortensrud ee magaaladda Oslo.

16-ka bishii November ayay boolisku afaafka guri kuyaal deegaanka Dalsroa ee xaafadda Mortensrud kasoo qaadeen nin labaatameeyo(20) jir ah oo dhaawac ah. Dhaawaca ninkan oo mindi loo adeegsaday ayay boolisku sheegeen inuu ahaa mid daran, laakiin aan halis aheyn.

Afar(4) kamid ah shanta(5) qof ee falkan loo qabtay ayaa da’ doodu ay ka hooseysaa da’da qaangaarnimadda ee 18-ka sano. Halka mid kamid ah uu 18 sano ka weynyahay. Dhamaantood waxaa lagu eedeynayaa inay ka danbeeyeen ama ku lug lahaayeen falka mindiyeynta ah ee bilowga bishii November ka dhacay xaafadda Mortensrud.

-Qaar badan oo kamid ah horey ayaan aqoon ugu laheyn:

Booliska ma aysan sheegin sababta ka danbeysa dhacdadan, balse waxa ay sheegeen in qaar kamid ah dhalinyarada shanta(5) ah ee ay falkan u qabteen ay yihiin kuwa ay aqoon iyo xiriir u lahaayeen.

Aad bey u dhalinyaro u yihiin, intooda badan horey ayay boolisku aqoon ugu lahaayeen. Waxa ay ku lug yeesheen falal cunfi ah oo horey dhalinyaro ay ay gacan ka hadal u dhexmareen, laakiin wali nooma cada sababta arrintan ka danbeysa iyo dhacdadda rasmiga ah, ayuu sheegay Benedicte Malling oo katirsan booliska.

Xigasho/kilde: Fem gutter pågrepet etter knivstikking på Mortensrud i Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x