fredag, januar 24, 2025

Norway oo sheegtay inay xooga saareyso tarxiilka qoxootiga sharci la aanta ah.

Dowlada Norway ayaa soo bandhigtay hindise sharciyeed cusub oo hey addaha socdaalka iyo kuwa amniga u fududeynayo dar-dargalinta iyo xoojinta tarxiilka dadka ajaaniibta ah ee aan sifada sharciga ah ku joogin Norway.

Wasiiradda cadaaladda Norway Emilie Enger Mehl ayaa sheegtay in sharcigan ee dowladu ay hada ka shaqeyneyso uu hey addaha dowlada ka caawinayo inay si fudud dalka uga saaraan ajaaniibta sharci-darada ku jooga, sidoo kale laga mamnuuco inay sifo kale oo sharci daro ah kusoo galaan Norway.

Wasiiaradda ayaa sidoo kale sheegtay in boolisku ay horey dhib ugu qabeen cadeynta iyo go aan qaadashada qofka ay dalka ka tarxiilayaan, arrintaas oo ay sheegtay inay aheyd caqabad. Sharcigan cusub ayay wasiiradu sheegtay in boolisku ay wax badan u kala cadeyn doono.

Sharciga cusub ayaa waafaqsan heshiiska ay gaareen dalalka EU-da ee ku saabsan wadaaga macluumaadka qoxootiga iyo socdaalka. Sharcigan ayaa waxyaabaha uu dhigayo waxaa kamid ah in dalalka Yurub ee heshiiskan saxiixay ay diiwaangalin mideysan u sameeyaan dadka sharciyada loo diiday ee lagu amray inay isaga baxaan dalalka la isku yiraahdo Schengen. Tusaale ahaan hadii qof qoxooti ah lagu wargaliyo inuu ka baxo dalka Norway, waxaa macluumaadkaas ogoonayo dalalka kale ee heshiiskaas qeybta ka ah.

Dowlada ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in arrintan ay dowladu culeys iyo xoog saari doonto meelmarinteeda.

Xigasho/kilde: Utlendinger med ulovlig opphold skal ut av Norge – endrer loven for mer effektiv uttransportering.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x