mandag, januar 6, 2025

(Fredrikstad) Wargalin: Kulan bulsheed iyo aqoon korori kororsi

Dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Fredrikstad iyo guud ahaan gobolka Østfold, waxaa lagu wargalinayaa kulan muhiim ah oo  dhici doono sabti, 7-da bisha Desember, kaas oo looga hadlayo cunsuriyada, faquuqa iyo maagista/caayista(mobbing) ay ilmaha waalidkooda ajnabiga yahay kula kulmaan iskuuladda hoose-dhexe sarre iyo gooobaha kale ee waxbarashada. Iyo saameynta ay arrintaas ku yeelan karto waxbarashada, caafimaadka nafsiyeed, barbaarista iyo niyad u heynta waxbarashada ee ilmaha. Waxaaba sidoo kale looga hadli doonaa doorka  ha ka hortagis ama la tacaamul ee waalidka, ururadda bulshada, degmooyinka, iyo heyadda dowlada ee mawduucan

Kulanka oo ahmiyad gaar ah u leh qoysaska ilmaha heysta iyo dhalinyarada, ayaa waxaa dhamaan dadka xiiseynayo inay wax ka ogaadaan mawduucan, su aalo ka qabo ama khibrad ka heysta oo raba inay bulshada la wadaagaan  lagu wargalinayaa inay kasoo qeybgalaan. Waxaana kulanka lagu casuumay aqoonyahano iyo dhalinyaro soomaali ah oo mawduuca aqoon maadi ah, xiriir iyo khibrad shaqo la leh. Waxaa kulanka lagu casuumay:

1-Jamaal Sheekh: Xubin katirsan golaha deegaanka Oslo, ahna gudoomiyaha golaha kahortaga cunsuriyada iyo faquuqa ee Norway.

2-Haashim Muxyidiin Cabsi: Xubin katirsan golaha deegaanka Fredrikstad, ahna xubin  dhalinyaro firfircoon oo siyaasadda deegaanka/degmadda ka dhex muuqdo.

3- Samiira Muuse: Macalimad baratay cilmiga barbaarinta, hadana ka shaqeysa iskuul kuyaal Oslo. Samiira ayaa sidoo kale ah, gudoomiyaha ururka hooyooyinka Soomaaliyeed ee Norway( Somaliske Mødre i Norge).

4- Filsan Maxamed Warsame: Xubin katirsan golaha deegaanka Fredrikstad, barateyna cilmiga barista, barbaarinta iyo waxbarashada.

Kulanka oo ay wadajir u qaban-qaabiyee jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Østfold iyo xarunta warbaahinta NorSom Media ayaa ka dhici doono guriga dhaqanka Fredrikstad( Litteraturhuset i Fredrikstad), macluumaadka hoos ka fiiri:

Taariikhda: Sabti, 7-12-2024

Saacadda: 16:30-19:30( Fadlan waqtiga ilaali, hadii aad imaaneyso)

Goobta: Litteraturhuset i fredrikstad, Storgata 11, 1607 Fredrikstad.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir:

Maxamed Cirfe: Gudoomiyaha ururka jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Østfold.

Tlf: 46724307

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x