Fredrikstad: Kulan Bulsheed iyo dood cilmiyeed si heer sarre ah u qabsoontay:
7-dii bishan Desember, waxaa magaaladda Fredrikstad ku qabsoomay kulan bulsheed iyo aqoon kororsi ku saabsan mawduuca cunsuriyada, faquuqa iyo maagista( caayista(mobbing) ay ilmaha waalidkooda ajnabiga yahay kula kulmaan iskuuladda hoose-dhexe sarre iyo gooobaha kale ee waxbarashada.
Kulanka oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeed xarunta warbaahinta iyo wacyigalinta ee NorSom Media og Informasjonssenteriyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Østfold Somalisk Velferdsforening for Østfold – Jaaliyadda Fredrikstad, ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku nool Fredrikstad. Waxaa aad loogu lafa-guray kahortaga iyo la falka cunsuriyada iyo faquuqa ay ilmaha ajnabiga ah ay la kulmaan, iyo doorka waalidka, ururradda bulshada iyo dowlada ee arrintaas.
Waxaan dhamaan mahad u celineynaa dhalinyaradii iyo waalidiintii kasoo qeybgalay kulankaas, waxaana mark ale u mahad-celineynaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Fredrikstad oo fulinta kulanka aan ka wada shaqeynay. Sidoo kale waxaan u mahad celineynaa masuuliyiinta, siyaasiyiinta, odoyaasha iyo akhyaarta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Fredrikstad oo si weyn uga dhex muuqday kulanka. Sidoo kale waxaa mahad mudan martidiii Barnaamija
Sidoo kae
1-Jamal Sheikh: Xubin katirsan golaha deegaanka Oslo, ahna gudoomiyaha golaha kahortaga cunsuriyada iyo faquuqa ee Norway.
2-Haashim Muxyidiin Cabsi: Xubin katirsan golaha deegaanka Fredrikstad, ahna xubin dhalinyaro firfircoon oo siyaasadda deegaanka/degmadda ka dhex muuqdo.
3- Samiira Muuse: Macalimad baratay cilmiga barbaarinta, hadana ka shaqeysa iskuul kuyaal Oslo. Samiira ayaa sidoo kale ah, gudoomiyaha ururka hooyooyinka Soomaaliyeed ee Norway( Somaliske Mødre i Norge).
4- Filsan Warsame: Xildhibaan katirsan golaha deegaana ee Fredrikstad.