torsdag, januar 2, 2025

Dowlada oo rabta inay sii adkeyso shuruuda luuqadda ee sharciga degenaanshaha.

Dowlada Norway ayaa ka fakareyso in lasii adkeeyo shuruuda aqoonta luuqadda afka Norwiijiga ah ee lagu xiro dadka raba inay qaataan sharciga degenaanshaha Norway. Waxeyna dowladu ka fakareysaa in shardiga ku hadalka luuqada Norwiijiga ah laga dhigo A2, halka uu hada ahay A1.

Arinta ayaa ka dhigan in qofka qaadanayo degenaanshaha Norway uu qaatay, kuna baasay imtixaanka A2 ee afka, ama awoodiisa ku hadalka luuqada Norwiijiga ay gaarsiis-santahay heerka A2.

Wasiiradda cadaaladda iyo arrimaha gudaha Norway, Emilie Enger Mehl(Sp) ayaa sheegtay in ujeedka dowlada ee soo jeedintan cusub ay tahay in la xaqiijiyo in qofka qaadanayo degenaanshaha Norway ee abidiga ah uu aqoon fiican u leeyahay luuqadda iyo bulshada Norwayba. Sidaas darteed ay dowladu soo jeedineyso xeerkan cusub iyo xeerarka kale oo arrintaas lagu xaqiijinayo.

Sharcigan cusub ayaa hadii uu dhaqangalo sidoo kale qabanayo qoxootiga helay magangalyada jamaca ah, kuwaas oo heysta sharciyada kumeel gaarka ah, buuxiyayna shuruudaha codsifga sharciga degenaanshaha. Iyo waliba sidoo kale shaqaalaha ka yimid meel ka baxsan Yurub ee buuxiyay shuruudiga codsigan. Arrintan ayaa hadii ay dhaqangasho si gaar ah u saameyn karto qoxootiga reer Ukraine ee kunool Norway.

Xigasho/kilde: Hever krav om ferdigheter i norsk muntlig for å få permanent oppholdstillatelse

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x