fredag, januar 3, 2025

Booliska Oslo oo raba in la mamnuuco ATM-ka lacagta lagala baxo.

Booliska magaaladda Oslo ayaa codsaday in wadooyinka magaaladda Oslo laga qaado bini-bank-yada ama ATM-yada(mashiinka lacag la bixista), kadib markii ay bateen falalka amni darada ah ee lala xiriirinayo inay ka dhacaan agagaarka meelaha ay ku yaalaan ATM-yadu.

Booliska ayaa sheegay in inta badan kooxaha burcadda ah ee dhaca ka geysta magaaladda Oslo ay qofka ku qasbaan inuu tago ATM-yada, uuna lacag usoo bixiyo, hadii uusan qofkaas markaas wadan lacag cadaan ah. Arrintaas oo ay boolisku sheegeen inay qeyb ka tahay amni-darada guud ee magaaladda.

Norway waxaa aad hoos uga dhacay tirada ATM-yada kuyaal jidadka magaalooyinka waaweyn ee Norway, bangiyada Norway ayaana joojiyay inay adeegan lacag bixinta adeegsadaan. Balse shirkado gaar loo leeyahay ayaa adeegan bixiya, kuwaas oo ka walaacsan falalka amni daro ee ay boolisku la xiriirinayaan arrintan.

Xigasho/kilde: Ran, dop og raske pengar: Politiet vil ha vekk mini­bankane frå gatene

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x