Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa ballanqaaday in uu joojinayo nidaamka cunug kasta ee Mareykanka ku dhasha xaqa u siinaya in uu noqdo muwaadin.
Wuxuu kaloo sheegay in uu Dimuqraadiga kala shaqeynayo sidii loo caawin lahaa qaar ka mid ah muhaajiriinta aan sharciga haysan ee carruurnimo lagu keenay dalka.
Donald Trump wuxuu kaloo ballanqaaday dadka ku lugta lahaa rabshadihii 2021-kii ee Capitol in uu saamaxayo maalinta ugu horeysa ee xafiiska uu yimaado bisha dambe.
«Dadkan cadaab ayey ku nool yihiin,» ayuu ku yiri wareysigii ugu horeeyay ee uu siiyay NBC ilaa iyo markii uu ku guuleystay doorashada bishii Nofembar.
Wareysi dheer oo lala yeeshay kaas oo jimcihii la soo dhaafay laga duubay ayuu Trump ku ballanqaaday amaro badan oo madaxweyne oo ay ku jiraan kuwa soogalootiga, tamarta iyo dhaqaalaha marka la caleemo saaro 20-ka bisha Janaayo ee sanadka dambe.
Inkasta oo uu sheegay in uusan waaxda caddaaladda ka dalbaneyn in baaris lagu sameeyo Joe Biden, haddana waxa uu sheegay in qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa siyaasadda oo ay ku jiraan sharci-dajiyayaasha baarirsta ku sameeyay rabshadihii Capitol in ay tahay in la xiro.
Trump waxaa la weydiiyay hadii uu cafinayo boqolaalka qof ee lagu helay in ay galeen dambiga rabshadaha markii taageerayaashiisu xoog ku galeen Kongareeska saddex bilood kaddib guuldarada doorashadiisa 2020-ka, wuxuu ku jawaabay.
«Waxaan eegeynaa kiisaska madaxa-bannaan,» ayuu yiuri. «Haa degdeg ayaan wax u qabanayaa.» Isagoo intaas ku daray «Maalinta koowaad».
Trump hadalka wuu sii watay, wuxuuna yiri, «Waad ogtahay in ay sanado joogeen halkaas, wasaq ayey dhexjoogeen, ma aheyn in loo ogolaado in ay furaan.»
Madaxweynaha la doortay sidoo kale wuxuu ka sheegay warar kale wareysigii NBC la yeelatay ee Axadii la sii daayay.
Wararkaas waxaa ka mid ah in uu ka digay hadii uu ku sii jirayo heshiiska NATO. «Hadii ay qarashka bixinayaan, waxay ila tahay hadii ay qeybtooda bixinayaan, jawaabta waa haa, waa la joogayaa.
Trump wuxuu kaloo sheegay in uusan xayiraad saareyn xeerarka ilma-soo-rididda balse markii la weydiiyay in uu ballanqaado, wuxuu sheegay, «way iga go’an tahay balse wax way isbeddelikaraan».
Arrintan socdaalka, Trump waxa uu u sheegay NBC in uu adeegsanayo amar madaxweyne si loo soo afjaro wax uu ku sheegay dhalashada ilamaha ku noqdaan Mareykan. Cunug kasta ee ku dhasha Mareykan waxa uu xaq u leeyahay in uu qaato basaboorka Mareykanka xitaa hadii waalidkiis ku dhasheen meelo kale.
Muwaadinnimada lagu qaato ku dhalashada Marekanka waxaa dhigaya qodobka 14-aad ee dastuurka Mareykanka. Qodobkaas wuxuu caddeynayaa in «qof kasta ee ku dhasha» Mareykanka in uu yahay «muwaadiniin Mareykan».
Trump wuxuu sheegay in ay beddelayaan isagoo intaas ku daray. «Waa in aan dib ugu laabanaa dadka. Waa in aan joojinaa».
Trump wuxuu sidoo kale sheegay in uu raacayo ballanqaadka ololhiisa ee ahaa in uu celinayo muhaajiriinta aan sharciga laheyn oo ay ku jiraan kuwa xitaa leh qoysas Mareykan ah.
«Ma doonayo in qoysas laka fogeeyo,» ayuu yiri «sida kaliya ee aadan qoys ku kala jari karin waa in aad isku haysaa oo aad wada celisaa.»
Trump wuxuu kaloo sheegay in uu doonayo in kongareska uu kala shaqeeyo si muhaajiriinta loogu yeero Dreamers ee aan sharciga laheyn kuwaas oo xiligii madaxweyne Obama xuquuq la siiyay, balse uu mar isku dayay in uu meesha ka saaro.
«Waan kala shaqeynayaa barnaamijka Dimuqraadiga qorshe,» ayuu yiri Trump oo intaas ku daray in qaar ka mid ah muhaajiriintan ay haystaan shaqooyin fiican iyo ganacsi.
Trump wuxuu u muuqdaa qof bixinaya dareen isku dhaf ah oo ah in uu raacayo ballanqaadyadiisa uu kaga aargoosanayo siyaasiyiinta ka horjeeda
Madaxweynaha xilka ka degaya Joe Biden ayaa toddobaadkii la soo dhaafay saamaxay dembi uu galay wiilkiisa Hunter. Dimuqraadiga waxay kaloo ka fakarayaan saamaxaado kale oo loo sameyo saaxiibadooda siyaasadda ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bisha dambe.
Xigasho/kilde: BBC SOMALI