torsdag, desember 26, 2024

Hashin Muxyidiin oo kamid noqon karo baarlamaanka Norway doorashada 2025.

Xisbiga shaqaalaha qeybtiisa gobolka Østfold ayaa maalin kahor soo saaray liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta xisbiga shaqaalaha uga tartami doono gobolkaas doorashada baarlamaanka ee dhici doonto bisha September ee sanadka 2025. Waxaana booska sadexaad ee liiskaas kujiro Haashin Muxyidiin Cabdi oo ah 20 sano jir soomaali ah oo hada katirsan golaha deegaanka magaaladda Fredrikstad.

Haashin oo dhashay sanadkii 2004, ayaa sidoo kale ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha( AUF) ee gobolka Østfold. Waxuuna noqday musharaxa ugu da’da yar ee sanadkan loo soo sharaxay kamid noqoshada baarlamaanka Norway.

Gobolka Østfold ayaa waxaa baarlamaanka Norway ay ku leeyihiin sagaal xubnood, Xisbiga Shaqaalaha(Ap), ayaana doorashadii ugu danbeysay sadex(3) xubnood ka helay gobolka Østfold. Booska 3.aad ee Haashin uu helay, ayaa ka dhigan in fursad dhab ah uu u leeyahay inuu kamid noqdo golaha baarlamaanka Norway.

Wasiirka gaadiidka: Haashin waa siyaasi mustaqbal siyaasadeed oo weyn leh.

Jon-Ivar Nygård oo ah wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka, ayaa qaatay booska koowaad ee liiska musharaxiinta xisbiga shaqaalaha uga tartami doono gobolka Østfold. Waxaan soo raaca oo booska labaad(2) qaadatay Elise Waagen oo hada ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway.

Wasiirka gaadiidka oo garab taagan Haashin, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Fredrikstad Blad amaan ku huwiyay 20-jirkan soomaaliga ah ee xisbigiisu ay ku aamineen jagadaas tartanka adag loo galay, waxa uuna sheegay:

Haashim waa siyaasi awood leh oo caaqil ah, waxaana u dheer inuu wali yahay dhalinyaro, waana qof yaqaano, kana soo baxo shaqooyinka loo dhiibo.

Musharaxnimada cusub ee siyaasigan soomaaliga ah, ayaa ka dhigan in soomaalida Norway ay markii ugu horeysay fursad dhab ah u heystaan inay baarlamaanka Norway ku yeeshaan 2 xubnood oo asal ahaan soomaali ah. Waxaana la saadaalinayaa in Maryan Xuseen ay mar kale kamid noqon doonto baarlamaanka Norway.

Haashin oo uu dhalay allah U naxariistee Xildhibaan Muxydiin Cabsi oo horey uga tirsanaa golaha deegaanka Fredriksad, ayaa wareysi uu siiyay wargeysga FB ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay kalsoonida iyo aaminaada ay xisbigiisu ku aamineen inuu kamid noqdo liiska musharaxiinta baarlamaanka.

Xigasho/kilde: Østfold Arbeiderparti vil ha Hashim Abdi (20) inn på Stortinget

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x