fredag, januar 24, 2025

Booliska oo raba inay xabsiga dhigaan wiil uu adeer u yahay dhaxal-sugaha boqortooyada.

Booliska magaaladda Oslo ayaa raba inay xabsiga dhigaan Marius Borg Høiby oo ah wiil uu adeer u yahay dhaxal-sugaha boqortooyada Norway, Haakon Magnus. Waxaana dhashay xaaskiisa Mette-Marit. Wuxuuna wiilkan oo kusoo koray aqalka boqortooyada Norway uu ku eedeysanyahay kufsi iyo dhowr kiis oo xad-gudubyo noocyo kala duwan ah oo ka dhan dumar.

Booliska ayaa habeenkii isniinta soo qabtay Marius oo horey ay kiisas ugu furnaayeen, waxaana markan lagu eedeeyay inuu gurigeeda dhexdiisa kufsi u geystay haweenay. Sida uu NRK qoray, booliska ayaa mobilka gacanta ee ninkan eedeysanaha ah ka helay muuqaalo muujinayo falka kufsiga ah ee lagu eedeeyay. Muuqaalka ayaa muujinayo galmo ogolaansho la aan ah oo uu la sameynayo haweenay aan awood u laheyn inay ka falceliso falkaas loo geysanayo.

Qareenka u doodayo Marius ayaa dhankiisa sheegay in macmiilkiisu uu iska fogeeyay dhamaan eedaha loo jeediyay, wuxuuna sheegay in booliska ay si qaldan u wajaheen kiiskan.

Booliska ayaa maxkamada ka codsaday in Marius la xiro 2 isbuuc, inta ay kasoo baarayaan kiiskiisa. Maxkamadda Oslo ayaana dhageysan doonto garmaqalka labadda dhinac.

Isku dar Marius ayaa ku eedeysan xadbugudyo kala duwan oo ka dhan 6 qof, 5 dumar ah iyo nin. Inkasta oo ninkan uusan wax masuuliyad ah ka heyn qoyska boqortooyada, hadana culeyska kiiskan ayaa ah mid ku dhacayo qoyska.

Xigasho/kilde: Straffesaken mot Marius Borg Høiby

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x