lørdag, oktober 5, 2024

Xuduuda u dhaxeyso Danmark iyo Sweden oo la adkeeyay.

Booliska dalka Danmark ayaa adkeeyay ilaaladda iyo kontoroolka xuduuda uu dalkaas la wadaago dalalka Germany iyo Sweden, kadib markii falal amni daro ah oo halis ah ay ka dhaceen agagaarka safaaradda Israel ee dalka Sweden.

Talaadadii lasoo dhaacay waxaa xabado ay ka dhaceen meel aan ka dheereyn safaaradda Israel ee dalka Sweden oo kutaal magaaladda Stocklom, halka arbacadiina bambo gacmeed ay ka qarxeen agagaarka safaaradda Israel. Labo wiil oo dhalinyaro Swedish ayaana ku eedeysan falalkaas, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta weeraro argagaxiso ah.

Go aanka lagu adkeynayo xuduuda dalka Danmark uu la wadaago dalalka Sweden iyo Germany ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay taladiisa wax ku laheyd hey adda sirdoonka dalka Danmark ee loo yaqaan PET.

Booliska iyo ilaaladda xuduudaha ayaa baaritaano kala duwan ka sameynayo buundada isku xirto Sweden iyo Danmark, waxaana la baarayaa maraakiibta, doomaha, baabuurta iyo tareemadda isaga gudbayo labadda dal.

Xigasho/kilde: Skjerpet grensekontroll mellom Sverige og Danmark

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x