tirsdag, oktober 15, 2024

Wargalin ( Oslo): Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo jaamacadda Oslo muxaadaro ku qaban doono.

Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maalmihii ugu danbeeyay booqasho shaqo ku joogay dalkan Norway, ayaa maalinta beri ah muxaadaro aqooneed ku qaban doono jaamacadda magaaladda Oslo( UIO).

Wasiirka ayaa muxaadaraddan waxbarasho uga hadli doono qaab-dhismeedka nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya, iyo fursaddaha iyo caqabaddaha la xiriira dib u dhiska nidaam waxbarasho oo dowli ah ee dalka kasoo baxay colaado sokeeye.

Kulanka ayaa beri oo isniin ah ka dhici doono jaamacadda Oslo, gaar ahaan qaacadda Eilert Sundts house, ee cinwaankeedu yahay: Moltke Moes vei 31, 0851 Oslo, Norway. Kulanka ayaana bilaaban doono 18:30, waxaana furi doono maamulaha(Rektorka) jaamacadda Oslo. Fiiri sawirka Hoose.

Macluumaadka Kulanka:

Goobta-Taariikhda: 14-10-2024

Saacadda: 18:30

Goobta: Jaamacadda Oslo, adresska: Moltke Moes vei 31, 0851 Oslo, Norway.

Fadlan hadii aad kulanka kasoo qeybgalay, waqtiga ilaali oo xili hore(ugu danbeyn 18:20) soo xaadir hoolka muxaadaradda.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x