tirsdag, oktober 22, 2024

Wargalin-Kulan dadweyne: Xasilooni la aanta deegaaneed ee qurbaha & saameynta koritaanka ubadka Soomaaliyeed

Dhamaan dadweynaha ku dhaqan Oslo iyo nawaaxigeeda, waxaan ku casuumeynaa kulan dadweyne iyo dood cilmiyeed ku saabsan mawduuca guurguurista iyo xasilooni la aanta deegaaneed ee qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha, iyo saameynta ay arrintaasi ku leedahay barbaarinta iyo kobaca maskeex/aqooneed ee ubadka soomaaliyeed ee qurbaha.

Doodan oo ay marti noogu yihiin aqoonyahananadda iyo masuuliyiinta soomaaliyeed ee kor ku xusan, ayaa waxa uu khamiista isbuucan ee bishu ay ku aadantahay 24.10.2024 ka dhici doonaa magaaladda Oslo, gaar ahaan xaafadda Grønland, Matxafka dhaqamadda ee interkulturelle museum(Kasoo horjeedka Suuq-yaraha Basaar). Kulanka dadwqeyne ayaa bilaaban doono 17:00 galabnimo.

Waxaa Kulanka dadweyne Marti noogu ah:
1- General Zakiya Xuseen ( Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya, aqoonyahan iyo shaqsi aqoon iyo khibrad iyo xiriir durugsan u le mawduuca dooda).

2- Samiira Muuse: Macalimad iyo Barbaariye, ahna gudoomiyaha ururka hooyooyinka Soomaaliyeed ee Norway ee Somaliske Mødre. Samiira ayaa sidoo kale ah aqoonyahan khibrad weyn oo shaqo oo si maalinle ah ay ula falgasho la leh mawduuca kulanka.

3- Sahardiid M. Salaad: Aqoonyahan iyo qof bartay culuumta koritaanka iyo barbaarinta, hadana u shaqeeyo hey adda ilaaladda caruurta ee barnevern-ka.

4- Cabdibaasid M. Cali: Cilmi-nafsi yaqaan, iyo tababare caafimaad oo aqoonta iyo culuumta cilmi-nafsiga ah. Sidoo kale khibrad iyo aqoon durugsan u leh mawduuca dooda.

Macluumaad dheeri ah ka fiiri sawirka hoose.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x