tirsdag, oktober 15, 2024

Oslo & Bergen: Taliye kuxigeenkii Booliska Soomaaliya oo Norway booqasho ku imaaneyso

Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Soomaaliya, Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa isbuucan booqasho shaqo ku imaan doonto dalkan Norway, iyada oo ka qeybgaleyso kulamo iyo doodo lagu casuumay oo ka dhici doono magaalooyinka Bergen iyo Oslo.

Jeneraal Zakia oo mudo dheer katirsaneyd booliska Soomaaliya, aqoon durugsan iyo waayo-aragnimo shaqo-na u leh caqabaddaha ay ubadka iyo qoysaska Soomaaliyeed ee ka taga qurbaha ay kala kulmaan gudaha Soomaaliya, ayaa maalinta jimcaha ah( 18-10-2024) ka qeybgali doonto kulan-bulsheed dood cilmiyeed ah oo ka dhici doono magaaladda Bergen, kaas oo ay isla qaban-qaabiyeen hey adda warbaahinta NorSom iyo hey adda Tusmo.

Zakia oo intii aysan u guurin Soomaaliyeed, kuna biirin shaqada ciidanka, waxa ay mudo ku nooleyd dalalka qurbaha, gaar ahaan Nordica. Iyada oo aqoon u leh qaab dhismeedka qoyseed iyo bulsheed ee bulshada soomaalida ah ee kunool qurbaha. 24-ka bisha Oktober, maalinta khamiista ah ee isbuuca danbe, ayay sidoo kale Zakia ka qeybgali doontaa kulan kale oo ka dhici doono magaaladda Oslo.

Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya, ayaa inta ay Norway joogto sidoo kale la kulmi doonto madax iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Norway, iyo sidoo kale hey addo kala duwan.

Hoos ka fiiri kulan macluumaadka kulanka ka dhici doono Bergen:

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x