torsdag, oktober 17, 2024

Ninkii dilay Xamse oo 19 sano ah oo xabsi ah lagu xukumay.

Maxkamadda magaaladda Oslo ayaa 19 sano oo xabsi ah ku xukuntay Valon Avdyli oo ah 37-sano jir Kosovo-Norwegian ah, kaas oo ku eedeysnaa inuu ka danbeeyay dilka Allah u Xamse Xaashi Aadan oo ahaa 21 sano jir dhalinyaro soomaali ah. Valon walaalkiis ka yar oo isna falka dilka qeyb ka ahaa ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira ka qeybqaadasho fal sababay dil.

Falka dilka ah ayaa dhacay 7-da bishii Oktober ee sanadkii 2021, waxeyna labadda nin ee hada lagu xukumay ka baxsadeen dalka, maalmo uun kadib marka uu falkaas dhacay. 2 sano kadib ayaa waxaa laga soo qabtay dalka dibadiisa, waxaana loo gacangaliyay hey addaha amniga Norway.

Labadda nin ee la xukumay ayaa ka sakow falka dilka ah oo ay u geysteen Xamse, waxaa lagu xukumay isku deyga dilka wiilal kale oo xamse la joogay marka uu falka toogashada dhacayay.

Labadda nin ee walaalaha ayaa xukunada xabsiga ah, waxaa u dheer in lagu xukumay inay bixiyaan lacag magdhow ah oo gaareyso 1,1 milyan oo lacagta Norway ah, taas oo loo xukumay waalidka marxuumka geeriyooday. Waxaa sidoo kale lagu xukumay inay 450.000 kr siiyaan lix kamid ah saaxiibada xamse ee ka badbaaday falka dilka ahaa.

Xigasho/kilde: 19 års fengsel for drap på Mortensrud

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x