lørdag, oktober 5, 2024

Maxkamadda Oslo oo mar kale u fariisan doonto Kiiska Mahad Abiib: Cadeymo cusub.

Sida uu qoray muuqaal-baahiyaha TV2 oo soo xiganayo qareenka caanka ah ee Arild Humlen, maxkamadda magaaladda Oslo ayaa mar kale u fariisan doonto kiiska Mahad Abiib oo ah muwaadin soomaali ah oo dowlada Norway ay horey ugala noqotay jinsiyada Norway, kadib markii lagu eedeeyay inuu kasoo jeedo dalka Jabuuti ee dariska la ah Soomaaliya.

Maxkamaddaha darajada 1.aad iyo 2.aad ayaa sanadkii 2018 kiiska Mahad ka gaaray go aan ay ku taageerayaan go aanadii ay horey hey addaha UDI-da iyo UNE uga gaareen kiiska Mahad, oo ku dhisnaa in Mahad uu ka been sheegay aqoonsigiisa, uuna kasoo jeedo dalka Jabuuti. Halka Abiib iyo qareenadiisa ay mar walba ku taagnaayaan in Mahad uu yahay muwaadin Soomaali ah, waxeyna keeneen cadeymo badan oo aysan maxkamadu si xoogan u cuskan.

Qareenka ayaa hada sheegay inuu hayo cadeymo cusub oo muujinayo in Mahad sifo qaldan looga celiyay jinsiyada Norway, kuwaas oo cadeynayo muwaadinimadiisa soomaaliyeed. Wuxuuna raaciyay inuu ku kalsoonyahay in markan ay maxkamadu qaadi doonto gar cadaaladeed, ayna sharcigiisa usoo celin doonto Abiib oo hada kunool dalka Faransiiska.

Arild Humlen ayaa horey u sheegay in dowlada Norway ay Mahad siisay aqoonsi, magac iyo jinsiyad uusan laheyn, sidaas darteed dhamaan cadeymihii loo adeegsaday kiiskii hore ee maxkamadda ay ku dhisnaayeen xukun qaldan.

Booliska oo xiray kiiskii Mahad ka furnaa:

Booliska Norway oo xili sii horeysay Mahad ka diyaariyay kiis dacwadeed la xiriir been abuur aqoonsi, ayaa xiray(laalay) kiiskaas, kadib markii uu Mahad sharci ka helay dalka Faransiiska oo Mahad u aqoonsaday inuu yahay muwaadin Soomaali ah.

Si ka duwan dowlada Norway, dowlada Faransiiska ayaa Mahad siisay sharci magangalyo, waxeyna u aqoonsatay muwaadin soomaali ah. Arrintaas oo sida muuqato si weyn wax uga badashay ama badali karto aragtida laga qabay kiiska Mahad, sida uu sheegay qareenkiisu.

Maxamadda Oslo ayaa bisha Maarso ee sanadka soo socdo 2025 u fadhiisan doonto Kiiska Mahad Abiid.

Waxaana xaqiiqo ah in go aanka maxkamadda ee kiiska Mahad uu yeelan doonto saameyn xoogan oo taabaneyso kiisas kale oo dad Soomaali ah oo lagu heysto aqoonsigooda. Waxaa sidoo kale xusid mudan in kiiska Abiib dartiis, isbadalo xoogan lagu sameeyay shuruuc badan oo la xiriira arrimaha ajaaniibta, jinsiyada iyo qoxootiga.

Xigasho/kilde: Nye bevis gjør at Oslo tingrett vil behandle saken til den tidligere bioingeniøren ved Ullevål sykehus Mahad Mahamud (38) på nytt.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x