tirsdag, oktober 15, 2024

Kulan bulsheed: Saameynta taban ee guur-guurista ee waxbarashada iyo koritaanka ubadka soomaaliyeed ee qurbaha

Tirokoobyo dhowr ah oo xiliyo kala duwan kasoo baxay hey´addaha dowliga ah iyo xarumaha cilmibaarista ee Norway ee qaabilsan arrimaha caruurta, qoysaska iyo dhalinyaradda, ayaa lagu cadeeyay in guurguuritaanka aan laga baaraan-degin ee soo noq-noqda uu dhibaatooyin gaarsiiyo heerka koriin waxbarasho, maskaxeed, bulsheed iyo aqooneed ee ubudka ay dhalaaan waalidiinta ajaaniibta ah.
Inkasta oo sababaha waalidnka ajnabiga ah ku kalifa inay guuraan , ayna jiri karaan sababo loo qaateen ah ama daruuri ah oo guuritaanka qoyska ka danbeeyo, hadana waxaa baaritaanadda qaarkood ay sheegayaan in waalidku aysan mararka qaarkood xisaabta si fiican ugu darin saameynta taban ee ilmaha kasoo gaarta guurguuritaanka.
Kulankan dadweyne, waxaan si cilmiyeysan uga doodi doonaa mawduucan oo sanadihii ugu danbeeyay uu aad usoo kordhayo muhiimadiisu. Waxaana doodan marti noo ah General Zakia Hussein, Taliye ku xigeenkii hore ee Soomaaliya. Zakia oo mudo aad u dheer ku dhex jirta howlaha booliska Soomaaliya, xilal kala duwan kasoo qabatay, ayaa mawduuca dooda u leh khibrad durugsan, maadaama ay si maalinle ah ula tacaamuli jirtay dhalinyaro iyo qoysas Soomaaliyeed oo ay saameysay arrintan aan kulankan uga doodi doono.
Sidoo kale waxaa kulanka dooda qeyb ka ah: Sheikh Abdiladiif Abdilahi Ahmed, Imaamka Masaajidka weyn ee Bergen, Kassim Mohamed Adan( Gudoomiyaha ururka Tusmo) iyo Said Mahamud Ali( Madaxa hey adda warbaahinta NorSom Media).
Kasoo qeybgal wanaagsan.
Wixii faah-faahin ama su aal ah oo kulanka ku saabsan, kala xirir:
Tlf: 94841977 ama 406 15357

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x