tirsdag, oktober 22, 2024

2 qof oo loo xiray dil habeen hore ka dhacay magaaaladda Oslo.

Booliska magaaladda Oslo ayaa labo qof usoo qabtay dil habeen hore ka dhacay bartamaha magaaladda Oslo, dilkaas oo loo geystya wiil dhalinyaro labaatameeyo jir ah. Wuxuuna falkan dilka ah oo mindi loo adeegsaday uu ka dhacay waddada mashquulka badan ee Storgata.

Labadda qof ee falka loo qabtay oo midkood ay boolisku wareysteen, ayaa boolisku ay sheegeen inay da ahaan yihiin labaatameeyo jiro. Mid kamid ah labadda qof ee la qabtay ayay boolisku sheegeen inuu yahay qof horey loo yaqaanay. Sadexda qof ee falkan qeybta ka ahaa ayay boolisku sheegeen inay ahaayeen dad asal ahaan ajaaniib ah.

Booliska ayaa sheegay inaysan weli faah-faahin ka bixin karin dhacdadan oo ay tahay xili hore, balse baaritaanadda hordhaca ah ay sheegayaan in falkan uusan xiriir la laheyn dhacdo ama khilaaf hore. Ayna u egtahay in muran sadexda qof dhexmaray uu sababay gacan-qaadka dilka sababay.

Xigasho/kilde: To pågrepet etter knivdrap i Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x