torsdag, oktober 17, 2024

2 gabdhood oo walaalo soomaali ah oo lasoo taagay maxkamadda Oslo.

Isbuucan waxaa maxkamadda magaaladda Oslo lasoo taagay 2 gabdhood oo walaalo soomaali ah, kuwaas oo ku eedeysan inay ka qeybqaateen shaqooyinka ururkii laga adkaaday ee Daacish. Labadda gabdhood oo qisada sheekadooda ay caan ka tahay warbaahinta Norway, horeyna looga qoray buuga To Søstre ayaa wajahayo eedeymo ay ku mudan karaan ciqaab xabsiyeed.

Gabdhahan oo markii ay Daacish ku biiriyeen da ahaan aad u yaraa, ayaa dhankooda iska fogeeyay eeda ah inay taageere iyo xubno u noqdeen ururka Daacish, waxeyse sheegeen inay Siiriya u tageen gargaarka iyo garab istaaga dadka tabaaleysan ee muslimiinta ahaa.

Gabdhahana ayaa sidoo kale sheegay in da¨dooda oo yareyd iyo fahankooda aan buuxsamin awgiis lagu tashkiiliyay aaditaanka dalka Siiriya, halkaas oo kooxda Daacish u ahaa saldhiga ugu weyn.

Maxkamadda oo socon doonto mudo, ayaa kamid ah maxkamaddaha loogu hadalheynta badanyahay gudaha Norway.

Xigasho/kilde: To søstre fra Bærum tiltalt for terror: Dette er saken

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x