tirsdag, oktober 15, 2024

2 dhalinyaro reer Sweden oo loo qabtay weerarkii safaaradda Israel ee Copenhagen

Maxkamad ku taala dalka Denmark ayaa maanta la horkeenay laba nin oo dhallinyaro reer Sweden ah, kuwaa oo loo haysto inay bambo gacmeed ku tuureen meel u dhow Xarunta Safaaradda Israel ee Magaalada Copenhagen.

Dhallinyaradan oo da’dooda lagu kala sheegay 16 jir iyo 19 jir ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay haysteen shan bambo gacmeed.

Fadhigii maxkamadda ee maanta ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, ka dib markii Xafiiska Xeer Ilaalinta uu codsaday in xogta dhageysiga aysan helin kuwa laga yaabo inay bambaanooyinka siiyeen dhallinyaradaasi. Garsooraha ayaana aqbalay, isagoona amray in albaabada la xiro.

Wararka ayaa sheegaya in Garsooraha Maxkamadda uu dhageysiga ka dib ogolaaday in afar toddobaad xabsiga lagu sii hayo labadaasi nin, si hay’adaha ammaanka ay baaritaankooda u soo dhameystaan.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii labaduba ay diideen inay wax dembi ah galeen, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda Denmark ee DR.

Booliska Denmark ayaa Arbacadii hawlgal ku soo qabtay muwaadiniinta Swedishka ah, wax yar uun ka dib, markii laba bambo gacmeed lagu weeraray aagga Safaaradda Israel.

Taliyaha Booliska Copenhagen, Jens Jespersen oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Copenhagen ayaa xaqiijiyay in uu jiray qof saddexaad oo hawlgalka lagu soo qabtay, balse markii dambe la sii daayay. Ma jirto cid wax ku noqotay qaraxyadaasi.

«Ma xaqiijin karno in Safaaradda ay ahayd bartilmaameedka qaraxyadan iyo in kale. Waxaan sidoo kale baaraynaa, haddii ay keligood ahaayeen iyo haddii kaleba.» Ayuu yiri Taliyuhu.

Weerarka ayaa ka dhacay aagga Hellerup, halkaas oo sidoo kale ay degan yihiin diblomaasiyiinta Turkiga, Iran, Thailand iyo Romania.

Laamaha amniga ee Denmark ayaa baaraya, haddii qaraxyadaasi ay xiriir la leeyihiin colaadda Bariga Dhexe iyo in kale.

Hay’adaha ammaanka ee dalkaasi ayaa sidoo kale baaraya in qaraxyadan ay ku lug leeyihiin dhacdo toogasho ah oo Talaadadii ka dhacday agagaarka Safaaradda Israel ee Sweden.

Dhacdooyinkan waxay ku soo aadayaan weerarkii gantaalada ballaastikada loo adeegsaday ee ay Iran Talaadadii ku qaadday Israel.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x