lørdag, oktober 5, 2024

Waxey sheegtay in xabad ay ku dhacday: Xabsi ayay mudan kartaa.

25-kii bishii June ee sanadkii 2022, nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday baar lagu caweeyo oo kuyaal bartamaha magaaladda Oslo, halkaas oo uu ku dilay 2 qof, uuna ku dhaawacay dad kale oo badan. Warbaahinta ayaana dhacdadan ka wareysatay dad badan oo kamid ahaa dadkii dhaawacyadu soo gaareen, iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu falkaas ka dhacay.

Mid kamid ah dadka ay warbaahintu ka wareysatay dhacdadaas ee sheegay in dhacdadaas , ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah oo sheegtay inuu soo gaaray dhaawac xabadeed. Iyada oo sidoo kale wareysiyada ay warbaahinta siisay si faah-faahsan uga warbixisay qaabkii ay wax usoo gaareen.

Baaritaan ay boolisku sameeyeen kadib, waxaa la ogaaday inay haweeneydaas uusan soo gaarin wax dhaawac xabadeed ah, sidoo kalena aysan ku sugneyn ama ka ag-dhaweyn goobta uu falkaas ka dhacay habeenkaas. Waxaa arrintaas laga xaqiijiyay cadeymo laga helay mobilkeeda, iyo iyada oo aan laga diiwaangalin wax isbitaal ah oo looga daaweeyay dhaawac xabadeed ah.

Warbaahinta ayaana markii danbe ka saartay wareysiyadii ay la yeelatay haweeneydan, maadaama loo waayay wax cadeyn ah oo taageerayo warbixinta ay bixisay.

Dacwad ayaa lagu soo oogay:

Xeer ilaalinta Oslo ayaa haweeneydan markii danbe kusoo oogay dacwad la xiriir been abuur iyo been u sheegis hey addaha amniga. Waxeyna dalbadeen in lagu xukumo 90 maalmood oo xabsi ah, 60 kamid ahna ay shuruudi raacsantahay.

Haweeneydan ayaa dhankeeda wali ku adkeysaneyso inuu soo gaaray dhaawac, habeenkaasna ay xabad ku dhacday. Qareenadda difaacayo haweeneydan ayaa iyagan dhankooda sheegayo in aysan sheegin wax been ah oo arrintaas la xiriira.

Xigasho/kilde: Kan bli fengslet for å ha løyet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x