lørdag, oktober 5, 2024

Vipps: Hada waxaad lacag u vipps-gareyn kartaa Sweden.

App-ka lacag isku dirista ee Vipps ee laga leeyahay dalkan Norway, ayaa ugu danbeyn laga furay dalka Sweden. Waxeyna shirkada ku wargalisay macaamiisheeda, in wixii laga bilaabo maanta ay lacag u diri karaan(vipps-gareyn karaan), kana gudoomi karaan, dadka kunool Sweden ee app-kan isticmaala.

Dadka kunool Sweden ee ka adeeganayo dukaamadda kuyaal Norway ayaa sidoo kale awooda inay lacagta ku bixiyaan qaab vipps ah( dukaamadda adeegan heysta).

Shirkada vipps ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dadka kunool dalalka Nordica ay u heli lahaayeen qaab ay lacagaha ku wadaagi karaan oo fudud, waxeyna shirkada hada ka shaqeysaa dalalka Finland, Norway, Sweden iyo Denmark.

Xigasho/kilde: Fra i dag kan du sende Vipps til nabolandet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x