tirsdag, september 24, 2024

TV2: 3 kun oo qof ayay waxyeelo kasoo gaartay qaladadaad ka dhacay hey addaha caafimaadka.

Tirokoob iyo xog uruurin uu sameeyay muuqaal baahiyaha TV2 ayaa lagu sheegay, in ku dhawaad 3000( sadex kun) oo qof ay waxyeelooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawacyo ay kasoo gaareen qaladaad ka dhacay hey addaha caafimaadka Norway. 957 qof ayaa u dhintay sabab lala xiriirinayo qalad ka dhacay hey addaha caafimaadka Norway, halka 3000 qof oo kalena ay soo gaareen dhaawacyo la taaban karo oo isugu jiro kuwo waaweyn iyo kuwo heer dhexe ah.

Xog uruurintan ayuu TV2 ka sameeyay goobaha caafimaadka kala duwan ee Norway sida dhakhtarka gaarka ah, isbitaaladda waaweyn,

Hey adda magdhowka dadka ku dhaawacmo qaladaad ka dhaca hey addaha caafimaadka awgii, ayaa sheegay in shantii sano ee ugu danbeeyay ay bixiyeen magdhow gaarayo 75 milyan oo la siiyay dad ay waxyeelo kasoo gaartay qalad ka dhacay hey addaha caafimaadka Norway. 32 kiis oo kamid ah kiisaska ay hey addan magdhowka ka bixisay ayaa la xiriira dad u dhintay sabab la xiriirnayo qalad ka dhacay hey addaha caafimaadka.

Qaladaadka ugu badan ee sababa dhaawaca ama geerida qofka bukaanka ah ayaa waxaa kamid ah qalad ka imaada dhanka xiriirka iyo macluumaad wadaaga hey addaha kala duwan ee caafimaadka, daawo qofka si qaldan loo siiyay ama lagala daahay, qaladaad dhanka farsamadda ah iwm.

Muuqaalbaahiyaha TV2 ayaa arrintan ka diyaariyay warbixino isku xig-xiga oo muujinayo saameynta arrintan ay ku reebtay dadka dhibanayaasha : Halkan kasii akhri: Slik har kommunik­asjonen sviktet på norske sykehus

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x