mandag, september 16, 2024

Taageerada dhaqaale ilmaha ka weyn 6 sano oo la kordhiyay.

Laga bilaabo kowdii bishan September, dowlada ayaa kordhisay taageerada dhaqaale(barnetrygd) ee la siiyo waalidka heysta ilmaha ka weyn 6-da sano. Waxeyna dowladu ku kordhisay 254 kr calaa ilmo bishiiba. Arrintan ayaa ka dhigan in taageerada dhaqaale ee dowladu ay ku bixiso ilmaha ka yar ay noqon doonto 1 766 kr bishiiba, halka ay markii hore aheyd 1512 kr.

Xisbiga SV ee bah-wadaagta la ah xisbiyada heysta awooda dowlada Norway ee Ap iyo Sp ayaa arrintan ka meelmariyay dowlada, xiligii lagu jiray wada-hadaladii meelmarinta miisaaniyada sanadkan 2024.

Wasiirka maaliyada Norway Trygve Slagsvold Vedum oo katirsan xisbiga Sp ayaa sheegay in dowlada ay ku dadaashay kor u qaadista awooda dhaqaale ee qoysaska ilmaha heysto.

Xigasho/kilde: Øker i dag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x