onsdag, september 18, 2024

Sweden: Ajaaniibta dalkooda u noqonayo, waxaan siineynaa 350.000 kr

Dowlada dalka Sweden ayaa qofkii ajnabi ah ee dalkeeda ku nool, rabana inuu dalkiisii ku noqdo u balanqaaday inay ku taageereyso dhaqaale dhan 350.000 kr oo lacagta Sweden ah, una dhiginta qiyaastii 34 kun oo dollar.

Dhaqaalahan ayay dowlada Sweden sheegtay inay ku taageereyso qofkii ajnabi ah ee dalkaas kunool ee aan ku qancin nolosha dalkaas, rabana inuu si iskiis ah ugu laabto dalkiisii hooyo. Iyada oo lacagta la sheegay inay dhiirigalin iyo soo jiidasho u sameyn karto go aanka dib ugu laabashada dalkiisii ee qofka soo galootiga ah.

Wasiirka soo galootiga ayaa sheegay in dowlada in dowladu aysan dejin tirada dadka raba inay lacagtan qaataan oo ay dalkoodi ku noqdaan, laakiin dowlada ayaa qorshahan u meelmarisay miisaaniyad gaareyso 1,4 bilyan oo lacagta Sweden ah. Taas oo ka dhigan in qiyaastii 4000 qof oo lacagtan heli karaan, hadiiba ay codsadaan oo loo ogolaado.

Lacagtan ay dowlada Sweden u balanqaaday dadka raba inay si iskood ah ugu noqdaan dalkoodii hooyo, ayaa aad uga badan lacagta ay hada Sweden siiso dadka iskiis dalkiisii ugu noqonayo oo gaareyso oo kali ah 10.000 kr.

Xigasho/kilde: Sverige vil betale innvandrere over 350.000 kroner for å flytte tilbake

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x