mandag, september 16, 2024

SV oo kursiga 1.aad ee musharaxiinta Baarlamaanka u sharaxay xildh. Maryan A. Xuseen.

Xisbiga SV, laantiisa magaaladda Oslo ayaa shaley soo gudbiyay liiska musharaxiinta xisbiga SV uga tartami doono magaaladda Oslo, doorashada baarlamaanka ee dhici doonto sanadka soo socod ee 2025. Waxaana liiska musharaxiinta diyaariyay gudiga xulitaanka xubnaha musharaxiinta.

Booska koowaad ee liiskan ay soo gudbiyeen gudiga xulitaanka, ayaa waxaa ku jiro xildhibaanadda asal ahaan soomaaliyada ah ee Maryan Cabdi Xuseen, ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV. Waxaana sidoo kale soo weheliyo Andreas Sjalg Unneland oo hada ah xildhibaan katirsan baarlamaanka, iyo Sunniva Holmås Eidsvoll oo katirsan golaha deegaanka Oslo.

Xisbiga SV ayaa hada baarlamaanka ku leh 13 xildhibaan, kuwaas oo sadex kamid ah ay kasoo galaan magaaladda Oslo. Taas oo ka dhigan in sadexda boos ee ugu sareeyo liiska musharaxiinta ay soo xuleen gudiga xulitaanka, ay ku jiraan boosaska loogu yeero boosaska la isku hubo.

Xisbiga SV, laantiisa Oslo ayaa ka doodi doono, ansixina doono liiska ay soo gudbiyeen gudiga xulitaanka.

Hadii uu xisbiga waxbo ka badalin liiska xubnaha, Waxaa xaqiiqo u dhow in Maryan Cabdi Xuseen oo mar kale kusoo noqon doonto baarlamaanka Norway, marka la gaaro doorashada baarlamaanka 2025, maadaama la galiyay booska ugu muhiimsan ee xisbiga ee kursiga la hubo. Arrintaas ayaana sidoo kale muujineyso sida ay Maryan Miisaan iyo maqaam ugu dhex leedahay xisbiga SV.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x