mandag, september 16, 2024

Oslo: Baabuurta korontada oo loo ogolaaday inay adeegsan karaan waddada gaadiidka dadweynaha.

Wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka ee dalkan Norway ayaa bilowga bishii May ee sanadkan soo saartay go aan baabuurta ku shaqeeyo korontada looga joojinayo adeegsiga wadooyinka gaadiidka dadweynaha(Kollektivfeltet).

Tan iyo sanadkii 2003, goboladda Goboladda Oslo iyo Akershus ayaa baabuurta ku shaqeeyo korontadda ee El-Bil-ka u ogolaanayay inay adeegsan karaan wadooyinka loogu talagalay inay maraan gaadiidka dadweynaha( Bussaska iwm). Balse dowlada ayaa arrintaas joojisay bishii May ee sanadkan 2024.

Caqabado dhanka isku socodka gaadiidka ah oo arrintaas ka dhashay awgeed, dowlada ayaa hada mar kale ogolaatay in baabuurta ku shaqeeyo korontada ay xiliyada qaarkood, goobo cayiman ay adeegsan karaan wadooyinka loo sameeyay gaadiidka dadweynaha(Kollektivfelt).

Laga bilaabo maanta oo sabti ah, baabuurta ku shaqeeyo korontada ayaa loo ogolaaday inay adeegsan karaan wadooyinka gaadiidka dadweynaha ee jidweynaha E18, inta u dhaxeyso degmadda Asker iyo xaafadda Lysaker ee galbeedka Oslo. Adeegsigan ayaa ku eg maalmaha nasashada isbuuca(Helgaha).

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo wadooyinka Jon-Ivar Nygård ayaa sheegay in wadatashi ay dowladu la sameysay hey adda wadooyinka, ay dowladu qaaday talaabaddan, si culeyska safafka dhaadheer ee baabuurta looga yareeyo magaaladda Oslo maalmaha nashada isbuuca.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladu ay dhawaan ka fakareyso qaaditaanka talaabooyin kale oo lagu yarennayo culeyska ka dhashay go aankii hore ee dowlada, laguna fududeynayo isku socodka gaadiidka ee magaaladda Oslo.

Xigasho/kilde: Fra lørdag får elbiler igjen bruke kollektivfeltet på E18 vest for Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x