tirsdag, september 24, 2024

NAV oo badaleyso shuruucda lacagta uurka/dhalmada.

Laga bilaabo kowda(1) bisha soo socoto ee Oktoober, waxaa dhaqangali doono qodob cusub oo ku saabsan shuruudaha ku xiran helitaanka lacagta la siiyo hooyada uurka leh dhalmada kahor ( Engangstønad). Qodobkan cusub ayaa shardi ka dhigayo in haweeneyda uurka leh ee lacagta dalbaneyso, ay waajib ku tahay in 12-kii bilood ee ugu danbeeyay xiliga dhalmada kahor ay joogtay Norway, sharcina ku laheyd.

Lacagta Engangsstønad-ka ayaa ah lacagta la siiyo haweenka uurka leh xiliga dhalmada kahor, waxaana haweeneydii xaq u yeelata ee buuxisa shuruudaha lacagta la siiyaa lacag gaareyso qiyaastii 92 000 kr.

Xeerkan cusub ayaa si wadajir ah u qabanayo dadka wadanka u dhashay ama heysta dhalashada Norway, iyo ajaaniibta iyo qoxootiga cusuba.

Hada waxaa uun waajib ah oo kali ah in haweeneyda lacagtan codsaneyso uu ku sugatyahay deegaan ahaan, sharcina ku leedahay Norway, xiliga dhalmada. Laakiin NAV ayaa hada soo kordhisay qodobkan cusub ee waajibka ka dhigayo in haweeneyda lacagtan codsaneyso ay 12-kii bilood ee ka horeeyay ay ku nooleyd, deegaana ku aheyd Norway.

Qodobkan ayaa saameyn ku yeelan karo ajaaniibta iyo qoxootiga xili kooban kahor kusoo guuray Norway, ama dadka Norwiijiga ah ee wadanka ka guuray, kadibna dib ugu soo noqdo xiliga dhalmada.

Qodob muhiim ah: Sida ku xusan boga NAV, shardigan cusub ayaan qabaneyn haweenka uurka leh ee isbuuca 22-aad ee uurka ku jiro marka la gaaro kowda(1) bisha Oktober(10) ee sanadkan 2024.

Xigasho/kilde: Nye-regler-engangsstønad.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x