onsdag, september 18, 2024

Kufsi been ah ayay booliska u gudbisay: 6 bilood oo xabsi ah ayaa lagu xukumay.

Maxkamadda gobolka Sogn iyo Fjordane ayaa 6 bilood oo xabsi ah ku xukuntay haweenay dhalinyaro ah oo lagu helay danbi ah inay hey adda amniga u gudbisay warbixin been ah oo sheegeyso in lagu xadgudbay, lana kufsaday.

Haweeneydan ayaa sheegtay in xili habeen ah iyada oo kasoo baxday baar lagu caweeyo oo ku yaal Førde, in nin uu xoogay, kadibna kufsaday. Ninkan oo ay sheegtay inuu ahaa qof aysan iyada aqoon u laheyn, ayay sheegtay inuu kaga imaaday dhinaca danbe, uuna madaxa iyo qoortay jug ka gaarsiiyay, kahor inta uusan kufsan.

Booliska oo warbixin ka duulayo ayaa sameeyay baaritaan xoogan, waxeyna wareysiyo ka qaateen ilaa 60 qof oo markhaatiyaal ahaa, sidoo kale waxe qaateen baaritaano DNA-ah, iyaga oo sidoo kalena hubiyay kaamirooyinka CCTV ee ku xiran aaga ay haweeneyda sheegtay in falkaas uu ka dhacay.

Horey ayay been u sheegtay:

Nin kamid ah dadka ay boolisku wareysteen ayaa in mudo loo diiwaangaliyay inuu yahay duhmanaha kiiskan, waxaana laga qaaday baaritaano kala duwan oo DNA uu ku jiro kahor inta aan waxbo lagu waayin oo la fasixin.

Ninka ay boolisku tuhmeen ayaa sheegay in kiiskan oo warbaahintu ay wax badan ka qortay uu mudo dheer u ahaa dhibane, uuna ku noqday culeys maskaxeed.

Baaritaanadda booliska iyo kaamirooyinka ku xirnaa aaga uu falkaas ka dhacay, ayaa ugu danbeeyay muujiyay in falka ay haweeneydaas sheegtay uusan dhicin, ama aan loo heyn wax cadeyn ah uu muujinayo inuu dhacay. Waxaa sidoo kale boolisku ay ogaadeen in haweeneydan ay marar hore sheegtay oo loo diiwaangaliyay beeno kala duwan oo ay kamid tahay in ay sheegtay inuu ku dhacay xanuunka kansarka.

Haweeneydan oo lagu eedeeyay inay warbixin aan sax aheyn u gudbisay hey addaha amniga, ayaa hada lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: Fikk seks måneders fengsel for oppdiktet overfallsvoldtekt

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x