onsdag, september 18, 2024

Dadka heysta dhalashada Norway oo 15 maalmood ViSO la aan joogi karo Shiinaha.

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Jonas Gahr Støre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii tagay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Shiinaha, halkaas uu kula kulmay madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.

Labadda hogaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo khuseeyo xoojinta xiriirka labadda dal, gaar ahaan xiriirka ganacsi, siyaasadeed, wada-shaqeyn iyo dhaqan-dhaqaale. Waxeyna sidoo kale isla meel dhigeen in labadda dal ay sameeyaan isku soo dhawaansho iyo dano-isweydaarsi ku dhisan isqadarin iyo isfahan guud.

Mid kamid ah qodobadda kasoo baxay kulanka labadda hogaamiye, ayaa ah in dadka heysta dhalashada dalkan Norway ay mudo 15 maalmood ah si Viso la aan ah ku joogi karaan dalka Shiinaha. Halka markii hore ay ku qasbanaayeen inay VISO dalbadaan, kahor inta aysan dalka Shiinaha u duulin.

Arrintan ayaa faaiido u leh dadka raba inay safar kooban oo dalxiis, booqasho ama ganacsi ku tago dalka Shiinaha.

Xigasho: Toppmøte i Kina

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x