mandag, september 16, 2024

Ciidanka Norway oo dhoolo-tus iyo tabar sameyn doono maalmahan.

Ilaa 5000 askari oo kamid ah ciidamadda ilaaladda dadweynaha iyo milatariga Norway ayaa isbuuca danbe tababar ku sameyn doono jidadka magaaladda Oslo, gaar ahaan xaafaddaha. Tababarkan oo ujeedkiisu uu yahay in ciidanku ay kusii tababartan kahortaga iyo ka howlgalka halisaha amni ee ku imaan karo bulshada magaaladda Oslo, ayaa ka dhici doono xaafaddaha Nordre Aker, St. Hanshaugen, Sagene, Grünerløkka, Linderud iyo Lutvann.

Tababarkan ayaa bilaaban doono 9-ka bisha September, wuxuuna soo gaba-gaboobi doonaa 22-ka bisha September. Waxaa maalmaha u dhaxeeyo mudadaas jidadka xaafaddaha kor ku xusan lagu arki doonaa ciidan ku labisan dharka milatariga oo hubkooda wato. Sidoo kale gawaarida gaashaan ee ciidanka ayaa iyagana lagu arki doonaa jidadka magaaladda.

Waxyaabaha la arki karo inta uu socdo tababarkan ayaa waxaa kamid ah, ciidan jid xirayo, gaardinayo, meelo qabanayo, iyada oo tababarku uu socon karo xiliyada habeenkii iyo maalinkiiba ah. Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa inaad maqasho dhawaqa rasaasta dheemiska ah ee ay ku tababaranayaa ciidanka milatariga ee tababarkan qeybta ka ah.

Goobaha uu ka socdo tababarkan waxaa lagu calaamadin doonaa calaamado muuqdo oo dadku ay arki karaan, kuwaas muujinayo in goobtaasi uu tababar ka socdo.

Ujeedka tababarkan ayaa ah in ciidanka Norway ay tababarkan sameeyaan, si kor loogu qaado awooddooda difaaca shacabka, loona difaaco goobaha muhiimka ah ee kaabayaasha bulsho ama dhaqaale, hadii ay timaado xaalad haliseed oo deg deg ah. Waxaana tababarka soo abaabulay ciidanka milatariga Norway.

.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x